Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaaday Magaalada Jowhar.

Wararka ka imaanaya Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab xalay ay weerar ku qaadeen kontorool ay Ciidamada Xoogga ku lahaayeen Duleedka Magaalada Jowhar ee Gobalka Sh/Dhexe.

Dagaal xooggan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay Weerarka ayaa muuqday mid mudo saacado ah ka socday Kontorolka laga soo galo magaalada Jowhar.

Wararka ayaa la isku adeegsaday hubka Noocyadiisa kala duwan, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalkaasi ku dhintay Hal askari oo ka tirsanaa ciidanka Kontoroolka joogay iyadoo mid kalana uu ku dhawaacmay.

Saldhiga la weeraray ayaa waxay ku taallaa meel aan ka fogeyn madaxtooyada Hirshabeelle oo uu degen yahay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, guriga madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan.

Dhanka kale saraakiisha Ciidamada Xoogga iyo kuwa Hirshabelle ayaan weli ka hadlin dagaalkii xalay ka dhacay kontorool ku yaala Duleedka Magaalada Jowhar.