Al-Shabaab oo sheegtay inay dishay Ciidamo Kenyaan ah, islamarkaana gubtay Gaadiid ay saarnaayeen.

Weerarkaan oo ahaa qaraxyo ayaa lagu beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamada milatariga Kenya xiili ay ku socdaalayeen qaybo ka mid ah gobolka NDF, gaar ahaan Mandheera.

Gadiidka laga qarxiyay ciidamada Kenya ayaa gaaraya illaa labo gaari oo ah nuuca ciidamada qaada waxaana xilliga la qarxinayay ay marayeen inta u dhaxaysa deegaannada Carabiya iyo Finnoow oo ka wada tirsan Mandheera.

Mid kamid ah labada gaadiid ee la beegsaday ayaa gabi ahaanba gubtay waxaana dhimasho iyo dhaawac u qaybsamay dhammaan askratii gaariga saarnaa.

Al-Shabaab ayaa Warbihinteeda ku baahisay in Kolonyada gaaadiidka milatariga Kenya ee la beegsaday lagana gubay ay ahaayeen kuwa ciidamada qaada, kuwaasi oo ka soo baxay dhanka Mandheera waxaana ay ku sii jeedeen dhanka Magaalada Ceel Waaq ee isla gobolka NFD ee ay Kenya xoogga ku haysato.

Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah ee soo gaaray ciidamadii Kenyaatiga ahaa ee la beegsaday ayaa la sheegayaa in uu yahay mid aad u xooggan.

Dhanka kale weerarkaan maanta lagu qaaday ciidamada Militariga Kenya ayaa ku soo aadaya xilli sbuucii hore ay Shabaabul Mujaahidiin weerar lagu dilay laba katirsan ciidamada Kenya ay ka fuliyeen deegaanka Carabiya oo aanan sidaas uga fogeyn goobta uu weerarkaan maanta ka dhacay.