Wasaarada arimaha dibada waxey u egtahay in ay u hanjabeyso Dawlada Turkiga

Wasaarada arimaha dibada waxey u egtahay in ay u hanjabeyso Dawlada aan walaalaha nahay Ee turkiga Oo aan garab wayn ka helnay haday tahay abaaro ama musiibooyin kale hadey tahay Wax barasho iyo waxyaala badan aan hilmaami karin.

Hadaaad tihiin dad shacabkooda u dhaga nugul oo shacabkooda ka danbeeya, Waxaan idin ka codsanaynaa Inaaad naga daysaan siyaasadaaan xamaasadaysan ee hadba aad wadan afka ku taageysaan.

Dalkeenu maantay saaxiibo badan buu u baahan yahay oo wax la qabta Garab istaaga.

Uma baahna in cadow loo sameeyo
Dawladu waa inay ka fiirsataa
Arimaha la xariira xariirka caalamka aan la leenahay gaar ahaan sida Turkiga, Qatar iyo Wadamada Dariska ah.

Mahamed Hassan Warsame