Soomaaliya oo ka qeybgashay shir looga hadlayo iskaashiga Tamarta iyo Biyaha.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Libaax Ibraahim ayaa Magaalada Qaahira ee Dalka Masar kaga qeyb galay Shirkii 4-aad ee Biyaha Dowladaha Islaamka.

Shirkan oo furmay shalay ayaa socon doono muddo seddex cisho ah 14-16 Waxaana goobjoog ka ah dhammaan Dowladdaha Islaamka Wasiiradooda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha.

Waxaa kulankan laga soo saari doonaa Warbixinno ku aadan Horumarinta Biyaha iyo sidii ay wasaaradahan Tamarta dalalkan isaga kaashan lahaayeen Tamarta iyo biyaha.

Dhanka kale Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa daadal ugu jirta sidii ay shacabka Soomaaiyeed uga faa’ideysan lahaayeen Kheyraadka Biyaha dalka.