Rag ka mid ah soomaalida Toronto, Canada oo layskugu yeeray in wax laga weydiiyo xaaskooda sida ay u jecel yihiin….

Koox Rag ah oo xaaslayaal ah baa la isugu yeeray shir ku saabsan arimaha qoyska”. Waxaa la weydiiyay: “imisa idin kamid ah ayaa jecel xaasaskooda?” 😎

Dhammaantood waxay kor u qaadeen gacmahooda. Haa bay ku jawaabeen. Waan jecelnahay. Markaas ayaa waxaa la weydiiyay, “Goorma ayay ahayd markii ugu dambeysay ee aad u sheegtay xaaskaaga in aad jeceshahay?” 😎

Qaar ka mid ah ayaa ku jawaabay: “Maanta”. Qaar kale: “shalay”, Intooda badneyd waxay dheheen ma xasuusano goorta.

Raggii ayaa markaa la yidhi: Bal hada nin walba fariin gaaban ha u diro xaaskiisa, oo ha u qoro sidan: “Waan Ku Jeclahay”.🤓

Kadib, ayaa raggii la waydiistay inay isu beddelaan taleefannada, si ay u akhriyaan jawaabta naag kasta ay u soo dirtay ninkeedii.

Waa kuwan qaar ka mid ah jawaabaha laga helay mid kasta oo ka mid ah Haweenka: –

1. Mid ka mid ah ayaa ku jawaabtay: “Haddii aadan ii sheegin cidda fariintaas aad u dirtay, dhab ahaan, adigaa ka sheekayn doona!”

2. Mid kale ayaa tiri: “”Maxaad dooneysaa”?

3. Mid kale ayaa tiri: Waan ogahay inaad rabto inaad lacag iga amahan rabtid mar kale!

4. Mid kale ayaa tiri: “Miyaad Riyoonaysaa”? ”

5. Mid kale ayaa tiri : “Maxaa khalad ah ood samaysay”?

6. Mid kale yaa tiri: “Ma gabay cusub baa”?

7. Mid Kale ayaa tiri “Waxaan kaa codsanayaa inaad joojisid mirqaanka!”

8. Mid kale ayaa tiri: “Waa Kuma Walaal”?

9. Mid kale ayaa tiri: “Waa inaad u tagtaa dhakhtarkaaga dhimirka mar labaad!. Tani maahan calaamad wanaagsan”.

10. “Mid kale ayaa tiri: “Ma hooyadaa ayaa inoo imaan rabta mar kale”?

XAALKA. TORONTO KHATAR AW KU JIRAA. XAGA JACEELKA RAGA
ALOW. SAHAL. AMUURAHA.
TORONTO