Musharax Muqtaar Roobow oo ka hadlay qaraxyadii Baydhabo ka dhacay

Musharax Muqtaar Roobow oo ka hadlay qaraxyadii doraad ka dhacay Baydhabo ayaa yiri :-waxaan aragnay wax aad nooga yaabiyay oo aad noo murjiyay waxaadna moodaa in xasuuqan lagu soo beegay xasuuqii 14 ka Oktoobar ka dhacay Muqdisho Maadaama caawa Oktoobar tahay 14.

Sidoo kale waxa uu yiri:- Waxaa nasiib daro ah in caruurtiina la idinka xooogo dabadeedna lacagta lagu soo baadiyeeyana idinka la idinka qaado, marka la soo baadiyeeyana dib loogu soo diro guryahoodii oo waxa aad aragtaan ey ka geystaan,waxaan nimankaan khawaariijta ah ee dhiigiina baneystay leeyahay ka towbad keena waxa aad ku jirtaan shacabkana waxaan leeyahay kuwa ka towbad keeni waaya haloo istaago weliba kuwaan maalmo ayaa ku filan oolagu soo afjari karaa ee kaca oo la dagaalama
Waxa uu ugu dambeyn Tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyadii Baydhabo kuwii 14 kii Oktoobar ee Zoope iyo intii u dhaxeysay dadkii weerarada lagu laayay .
Wariye Ali Ilyaas @Hctv Baydhabo

MAXAA YAAB IS DABA ORDAYA,