Weligaa ma aragtay Qamiiskii Nabi Moxamed CSW? Ma rabtaa in aad aragto?.

Cashar.

Boqortooyadii Turkiga ee xukumeysay inta badan Caalamka Islaamka Asiya, Yurub iyo Africa, ayaa Ingriisku ku fekeray in uu Carabta ka hor keeno si uu u qabsado, isaga oo isticmaalay xeelada badan oo ey ka mid aheyd Qofkii Maddax Turki ii keeno Saqiir iyo Kabiirba waxaan siinayaa Lacag, waxaa dhacday in Turkigii xattaa ey ugaarsadaan Carabtii Deriska la eheyd, Turkigiina ey qaxeen, dagaalana lagu qaaday.

Waxyaabihii Taariikhida Islaamka ahaa oo ey gacanta ku hayeen ayey u qaadeen dalka Turkiga si eyna u galin gacanta Ingriiska. Waxa eyna ku keydiyeen Mutxaf Qaasa oo lagu keydiyo Taariikhda Islaamka kuna yaal magaalada Istanbul.(( waxaan ka xumahay Saaxibadey badan oo Istanabul jooga in eyna soo booqan Mutxafkaa taariikhiga ah)).

Sidee lagu helay Alaabahaa Taariikhiga ah ee Anbiyadii hore ey isticmaali jireen, Diin oo kaliya ayaa Anbiyada oo dhan laga dhaxli karaa, wixii Maadi ah oo ka soo Haro waa Sadaqo ee lama dhaxlo sida Axaadiistu noo warisay. Fatima Bintu Rasuul RC ayaa oo codsatay. Waxaa Sayid Abubakar u daliishaday xadiiska leh wixii Anbiyadu ka tagaan waa sadaqo. Dhinaca kale Nabigeena Moxamed CSW Xaasaskiisii lama Dumaalin oo ma banaaneyn sidaa ey sheegeeyso suuratul Axzaab Aayadda 52aad .

Markii iigu horeysay ee aan Booqday Mutxafkaa, Wey igu adkeyd Saxnimada qalabkan Taariikhiga ah, sannad kadib ayaa dib u booqday. Markii aan ogaaday in Culluma badan oo Islaam ah iyo kuwa culuunta Seyniska bartay ey baaritaan ku sameyeen Da’da ey jiraan Alaabtaani iyo Sida eey u waafaqsan yihiin taariikhda.

Wax yaabaha halkaa yaal, Lama sawiri karo. Shucaaca ayaa loo diidayaa in uu dhib u geeysto bacdamaa ey aad duq u yihiin ama in Gaaladu iftiin ku burburiyaan , waxyaabihii aan hore ugu arkay Mutxafka qaar ka mid ah ayaa maqnaa. Waxaan weydiiyay Asgari sababta. waxa uu igu yiri: Muddo kadibba qaar ayaa bakhaarka la dhigaa si iftiinka looga yareeyo, waxa uu i yiri: waan ku soo tusayaa laakin sawir lama ogola, waxaana ku siinayaa sawirada ku jira kaamaradeeyda, qaar ayaa la ii ogolaaday in aan sawirto, kuwa kalena Buugaag ey ku sawiran yihiin ayaa leey siiyay, Dadka oo dhanna waa loo ogolyahay Buugaagtaa in ey gataan.

Wax yaabaha Musimaka yaal waxaa ka mid ah. F.S: 1, 2 & 3aad Seefihii iyo Qaansadii Rasuulka CSW. F.S: 4aad Faraatigii Rasuulka ee Shaabadna u ahaa. F.S: 5aad Raadkii Rasuulka SCW oo lagu soo qaday Carradii adkeey ee uu ku istaagay. F.S: 6 & 7aad Kabihii Rasuulka CSW. F.S: 8 & 9aad Cimaamadiisii iyo koofigiisii. F.S: 10aad Qamiiskii Rasuulka CSW. F.S: 11 & 12aad oo ah Qoraal fariimo rasuulku uu diray . Waxaa kale oo sii dheer qayb ka mid ah Tintii Garka Rasuulkeena Moxamed SCW iyo Iligtiisii, Daahii ku xirnaa Qolkiisa, Koobkii rasuulku SCW uu wax ku cabi jiray iyo Carro ey ka soo qaadeen Magaalada Madiina waqtigaa iyo waxyaaba kale oo badan.

Dharkii ey xiran jirtay Fatima Bintu Rasuululaah, ( waxa aad la yaabee in dhar nuucaa ah ey ku labisato Gabar uu dhalay qofkii ugu khayrka badnaa dadka Allaah abuuray oo Musuul ka ahaa dhul intaa la eg, iyo madaxda maanta caruurtooda sida ey uga murgaan dharkooda Fiiri Sarirada 13 & 14aad.

Waxaa kale oo yaal Musimka Ushii Nabi Muuse SC, F.S: 15aad. Koofidii Nabi yusuf CS. F.S: 16aad. qalab bir ah oo gacanta la gashado waqtiyada dagaalka oo uu lahaa Nabi Yaxye CS. F.S: 17aad. Waxaa kale oo yaal Albaabkii hore ee Kacbada iyo Furayaashii hore ee kacbada sannado kala duwan oo ah sannadihii 1617,1870,1809,1509,1160, 1261,1120, iyo 1515. Tusaale F.S 18aad. Iyo weliba Daboolkii Xajarul Aswadka sannadihii 1861 iyo 1876. Anbiyada oo kaliya ma ahan waxaa kale oo yaal qamiiskii Imam Xanafi. F.S. 19aad. Intaa waxa sii dheer oo aan halkaa ku arkay: Seefihii Sayidinaa Abuubakar , Sayid Cumar, Sayid Cuthman, Sayid Cali, Seeftii Zubeyr Binu Cawaa, Seeftii khaalid bin Waliiid , Jacfar , Anwer bin yasir iyo Seefo laba saxaabi oo kale.

Musimka dhexdiisa, meelaha qaar looma ogolo in ey galaan dad aan Islaam eheyn, meelaha qaar waa loo ogolyahay haddii ey u labisataan sidii Islaamka , meelaha qaarna waa loo ogolyahay si caadi ah. Musimka aad ayaa loo ilaaliyaa F.S: 20 & 21aad.

Waddamada Islaamka qaar ayaa codsado in Carwa ahaan Dalkooda loo keeno sida Malisiya, si ey dadkooda u siiyaan fursad ey ku arkaan, waxaa la dhigaa carwo dalkaa ah si dadka aan tagi Karin Turkigu u arkaan. Waxyaabihii aan halkaa ku soo arkay, markii aan garaadkeeyga yar la kaashaday waxaa ii muuqatay in ey Asalkii yihiin sida Mallaayiin Qof oo Muslim iyo Gaalaba ihi ey u xaqiiqsadeen in ey tahay keyd dhab ah oo waqtiya hore la keeydiyay, wadamada qaar ayaa iyaguna keydsaday qalab kuwan ka da’weyn, laakin aan qiima ku dhameyn sida ey anniga illa tahay.

Annaga goormeen codsan doonaa in naloo keno si aan aragno.

FG: Arragtidaada xur ayaad u tahay, wixii iga khaldan iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir.