Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo saakay intooda badnaa Xiranaa.

Waxaa saakay xiranaa intooda badan wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho, iyadoona gaadiidka dadweynaha loo diidayo inay maraan wadooyinka xiran.

Ciidamo aad u badan oo ka tirsan Dowlada Somaaliya ayaa ku sugan wadada Maka Al-Mukarama iyo Isgoyska Zoobe,halkaasi oo Maanta lagu wado inay tagaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada.

Dhacadadii 14-ka October ayaa waxaa ka soo wareegatay hal sano, kadib markii qarax ay dad badan ku dhinteen, kuwa kalana ay ku dhaawacmeen uu ka dhacay Isgooska Soobe Ee Magaalada Muqdisho.