Nin ku eedeysnaa weerarkii 14 October oo Maanta lagu toogtay Muqdisho.

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay waxay toogatay Xasan Aadan Isaaq Cali oo lagu eedeeyay inuu waday gaari NOAH-ah oo ciidamada ammaanka ay ku qabteen xaafada Buula Xuubey ee degmada Wadajir, maalinkii uu dhacay qaraxii isgoyska Zoobe, 14-kii October 2017 oo sanad laga joogo.

Ninkaan ayaa horay Maxkamadda ciidamada qalabka sida ku xukuntay dil toogasho ah, waxaana xukunkiisa fulinta uu dhacay maanta oo Axad ah.

Xeer ilaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Muumin Xuseen C/laahi oo dilka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukunka uu u dhacay sidii loogu tala galay.