Madaxweyne Farmaajow: Khaladkaaga Maanta Waa Ciqaabtaada Berito

Dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo Koox Waalan Xilka U Hayso sida loo bur burinayo Golahayaasha sharcidajinta.

Waxaan doonayaa in akhristayaasha Qoraalkan akhristaa in falanqeyntan u arkaan figrad aan ku cabirayo sidaan wax u arko inaan Qoraalkan ku muujiyo.

Dadka Soomaaliyeed waxaa la galiyay Dagaal dheer, Iyadoona lagu tuntay Nidaamkii Dowliga ahaa ee ay Bulshadu u Hamuun qabtay,

waxaana nasiib darro ah in Dowladda Soomaaliya ay haatan Mareyso in Qof kasta halka uu Jecel yahay uu isagu isku Magacaabo.

Falanqeyntan Kooban waxa ay farta ku fiiqaysaa Madaxda Soomaalida, Maxay Taariikh-dii hore ka Qortay.sow inay xasuustan ma haboona.

Nin Kibray oo Digtaatoori Noqday ? Maxaa ay Soomaalidu ka Baratay?Colaadihii Sokeeye ? Maxaase laga Bartay Boobkii Hantida Shacabka ?

Aaway Caqligii Wanaagsanaa, War miyeynan Taariikhda madow aanen Xasuusan? Kooxda villa somalia waqtigan madaxda ka ah.

War maxaa madaxda soomaaliyeed ka khaldan Marka hogaanlagu aamino inay waxay balanqaadeen ka been sheegaan?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wixii uu ballanqaadey ma cadaalad darro iyo Nin Jecleysi ayuu noogu badalay!

“Waxaan ahay Waddani Daacad ah, oo cadaaladda ka shaqeeya” ayuu shacabka Soomaaliyeed Farmaajo ku yiri, adduunku waa maalmo tirsan waxa aad ku sameysay maanta oo xil noo hayso Bushada Soomaaliyeed ee ku aamintey ee Khiyaanada iyo Cadaalad darada ku hoggaamisay markaan berri lagugu ciqaabo ha ka been sheegin qaladka aad haatan galeyso madaxweyne.

Qofka siyaasiga ah ee Soomaaliyeed waa inuu buuggiisa akhristaa waxa uu isagu ku qortay wanaag iyo xumaan, dadka ayaana ku xisaabinaya adduunyada oo iyaga ayaaba ah waardiyeyaal aan cidna dirsan.

Dad badan ayaa indho la’aan ku taageeraya cadaalad darrada iyo Xaqiraadda shacab Soomaaliyeed iyo dowladnimadiiba lagu hayo in xil kasta oo dawladeed oo bulshada ka dhaxeey ay hal koox isku aragtay in iyadu dhaxal u heshay, iyagoo dadka ku maaweelineysa maahruuc ay ugu magac dareen Nabad iyo Nolol.

Ogaantayda ka Danjire Caalim ahaan, Nabad ma jireyso illaa cadaalad la helo, Nololna ma jireeyso Nabad la’aan, marka sidee beey kooxda Villa Somalia qorsheeysay in umadda Soomaaliyeed ay ku hoggaamiyaan?!

Su’aasha fahamka u baahan ayaa ah dowladi maxay tahay?

Dowladi waa heshiis bulsho oo dastuur leh, dhaqangalisana cadaalad iyo daganaanshiyo siyaasadeed.

Waxaa hoggaanka Madaxweyne Farmaajo wado ma yihiin dawlad shacabkeeda matasha ?

Jawaabta oo sahlan waxaa weeye Maya! Sababtu waa wax iska cad maadaama mar kasta dadka Soomaaliyeed ay kala kulmayaan wixii dowlad lagu yaqiin waxaan ahayn.

Waqtiga uun bay naga lumiyeen in aan maanta aqbalno in Ciidanka Nabad sugida Qaranka ee ah Muraayada wadankaaga amnigiisa laga daawado oo ah Bad-baadinta Qaran kasta in la marin habaabiyay hoggaamintiisa maadaama ay i soo gaartay goor dhoweyd in Taliyihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka uu iscasilay, booskiisana loo Magacaabay Fahad Yaasiin.

Taas waa nasiib darro, waa Khiyaano cad oo laga galayo dadka iyo dalka, horeyna Madaxweyne Farmaajo uga galay Qaranka Soomaaliyeed in awoodda qaranka koox hadiyad iyo abaalmarin looga dhigo.

Anigu ma diidani Fahad Yaasiin, waa Muwaadin Soomaaliyeed oo xaq u leh, in uu xil qabto laakiin Fahad waa Shaqsi ay Wadato Dowlad Shisheeye kuna shaqeeya Fikirkeeda, kaasoo aan xal u ahayn Amniga Qarankayaga, waana ninkii keenay in xilka madaxweyne in lacag lagu gadan karo Madaxweynaha Talada haya Farmaajo ayaa ka mid ah kuwa xilka loo iibiyey iyadoo dawlado shisheeye lacagta bixiyeen, sida Qatar.

Maxaa laga Fili karaa narka sirtii Qaranka gacanta loo galiyo masuul dawlad shisheeye maalgalisay?

Arrinta iga Fajicisay ayaa ah in Taliyihii hore la yiraahdo Arrimo u gaar ah ayuu isku casilay, haddana wax qarsoon aynaan jirin oo la sheegayo in Baydhabo uu u socdo oo Villa Somalia ay u wadato xilka madaxweynenimo ee Koonfur Galbeed islamarkaana maalmaha soo socda uu ku wajahan yahay Baydhabo oo hadda qabanqaabada xafladdiisu ay ka soconayso!

Gunnaanad:

Hadalkeyga waxaan ku soo Gabagabeyn Maahmaahdii Soomaalida ee aheyd:

Waari Maysidee War ha kaa Haro”, Farmaajo kursiga ku sii fadhinmaayo haseyeeshee, taariikhda madow ee uu ku gagay Soomaaliya, waa mid geli doonta Sooyaalka isaga iyo kuwa dulmiga ugu hiilinaya.

Waxaa diyaariyey Aqoonyahan Soomaaliyeed kana faallooda siyaasadda geeska Afrika, tan Soomaaliya mudda 30 sano ahna ku soo dhex jiray siyaasadda Soomaaliya,

Danjire Maxamed Caalim.

Email: Caalim68@hotmail.com

Telfoon: +358458712195

Helisink, Finland.

Facebook Comments