DOOD CULUS: Al-Shabaab ma laga guuleysan karaan?

Magaalada Muqdisho iyo qeybo ka tirsan gobolada dalka waxaa maalinta berri ah oo ku beegan 14-ka Oktoobar laga xusayaa sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay qaraxii ugu weynaa ee ka dhacay isgoyska Soobe kaasi oo ay ku geeriyoodeen dad shacab ah oo tiradoodu ku dhowdahay Kun Qof halka ilaa iyo iminka lagu la’yahay boqolaal ruux.

Qaraxaasi inkasta oo ururka Al-Shabaab ayna sheegan bacdamaa ay ka baqday carada dadweynaha, hadana iyagu inay ka dambeeyeen ayaa loo badinayaa, iyadoo qaar ka mid ah raggii abaabulay lagu fuliyay xukunno kala duwan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo abaabushay baroor-diiqda loo sameynayo masiibadii ka dhacday halkaasi, waxaana dib u soo laabtay bilicdii ay lahayd kaddib burburkii xooganaa ee soo gaaray goobihii ganacsiga ee halkaasi ka dhowaa.

Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa qabatay dood kulul oo aan waxba la iskula harin kuna saabsan sida Al-Shabaab looga adkaan karo, waxayna dhex martay Weriye Jamaal Cusmaan oo isugu si dhow ula socda arrimaha dalka, gaar ahaan ururka Al-Shabaab oo madaxdiisa sare dhowr goor wareysi ka qaaday iyo Feysal Rooble qoraa ku sugan magaalada Clifornia dalka Mareykanka.

Facebook Comments