Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Wafdi uu Hogaaminaayay oo maanta Dalka dib ugu soo laabtay.

Xasan Cali Kheyre Ra”iisul wasaaraha Dalka Soomaaliya ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, markii booqasho rasmi ah uu ku tagay Dalka Boqortooyada Sucuudiga Carabiya.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa intii ay ku sugnaayeen Dalka Sacuudiga waxay kulamo la qaateen Boqorka Dalkaasi, Boqor Salmaan Bin C/casiis iyo dhaxal sugahiisa Maxamed Bin Salmaan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka qotada dheer ee Labada Dal iyo sidii laysaga kaashan lahaa arrimaha ganacsiga , fursadaha maal-gashi ee Dalka ka jira iyo horumarinta dhaqaalaha Dalka.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa waxa uu soo booqday Xaramka Barakaysan, isaga oo halkaasi ku soo Cumraystay, una soo duceeyay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.