CABDI BARRE: “Kilibyo waxaan hayaa caruur lagu qalayo xerada Xalane”

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahaan dadku aad uga walaacsanaayeen afduubka caruur yar, iyadoo warbaahinta gudaha ka wareysatay waalidiin caruurtooda la afduubtay oo faahfaahinaya qaabka uu ku dhacay, walow qaarkood ay heleen caruurtooda.

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii hore oo lagu magacaabo Cabdi Barre Jibriil ayaa wareysi uu siiyay mid ka mid ah telefishanada Soomaalida waxa uu shaaca ka qaaday in caruurta la afduubto lagu qalo xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

“Kilibyo waxaan hayaa caruur lagu qalayo xerada Xalane” ayuu yiri Ex Xildhibaan Cabdi Jibriil oo su’aalo dhowr ah iska weydiiyay waxa madaxda Dowladda Federaalka uga hadli la’dahay.

Xildhibaankaan hore oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn u mucaaradsan Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in caruurta la afduubto la geeyo xerada Xalane isla markaana rag ajnabi ah ay la baxaan xubno jirkooda ka mid ah.

Waxa uu sheegay inay jiraan rag iyo dumar dullaal ah ay ka dambeeyaan afduubka caruurta Muqdisho, isagoona sheegay inuu ka soo xigtay dadka degan xaafadaha ku dhow xerada Xalane in xilliyada galabtii ah la arkayo caruur la sii gelinayo xeradaasi.

Facebook Comments