Turkiga iyo Soomaaliya oo ka wada hadlaya dhaqan gelinta Heshiiyo ay wadagaareen.

Ankara: Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Libaax Ibraahiim oo howlo shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa Magaaladda Ankara kulan kula qaatay Wasiir ku-xiggeenka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga dalkaasi, waxayna ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dal.

Mas’uuliyiinta labada dal ayaa kulankooda waxay si weyn uga hadleen qodobada kala ah sidii dhaqan galintiisa si wanaagsan looga shaqeyn lahaa heshiis iskaashi oo labo sano ka hor ay kala saxiixdeen Wasaaraddaha Tamarta Soomaaliya iyo Turkiga iyo siddii ay u yeelan lahaayeen labada dhinac Maalgashi dhinaca Tamarta ah.

Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cusmaan Libaax ayaa sheegay in Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga Wadanka Turkiga ay ka gacan siin doonta Soomaaliya taageero ku aadan sharciga Tamarta ee horyaalo Golaha wasiiradda.

Cismaan Libaax ayaa Sheegay in dawladda Turkiga dalka ka hirgelin doonto maalgashi dhanaca Tamarta iyo kheyraadka Dabiiciga ah, kaasi oo muhiim u ah howlgalka Wasaaradda ay ka qabanayso dhinacyada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya.

Dhanka kale dhawaan waxaa dalka Turkiga lagu qaban doonaa shir looga hadlayo siddii ay iskaashi u yeelan lahaayeen shirkadaha gaarka ah ee Tamarta, kuwaasi oo ka shaqeeya labada dal, taasi oo sahalayso in iskaashi wanaagan ay yeeshaan shirkadahaasi.