Saldhig Al-Shabaab ku leeyahay gobolka Gedo oo gebi ahaanba la burburiyay

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saldhig Al-Shabaab ku lahaa degaanka Ceel Jaalle oo ka tirsan gobolka Gedo gebi ahaanba la burburiyay kaddib markii lala helay gantaalo dhowr ah oo ka dhacayay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drones.

Sida ay sheegayaan dadka degaanka duqeymaha dhinaca cirka ah ayaa ku habsaday bakhaaro ku yaala xerada saldhigga Al-Shabaab halkaasi oo ay ku bas beeleen idaacad ku hadasha afka kooxda Shabaab, gawaarida dagaalka iyo goobo hubka lagu kediyo

Wararku waxay intaasi ku darayaan in duqeymaha kaddib halkaasi ay isku gadaameen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyagoona dadka rayidka ah ka hor istaagay inay xerada galaan.

Ilaa iyo iminka lama oga halka laga leeyahay diyaaradda duqeysay salhigga Al-Shabaab ee degaanka Ceel Jaalle, inkasta oo had iyo duqeymaha dhinaca cirka ah gobolkaasi ay ku fulin jireen ciidamada ka socda dalalka Mareykanka iyo Kenya oo caawiya Dowladda Soomaaliya.