Dhuusamareeb oo lagu Doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in goordhaw Xildhibaanada Galmudug Garabka Magaaladaas ku sugan ay Doorteen Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Fadhiga Baarlamaanka oo uu ku dhawaaqay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa sheegay in xaadireen 137-Mudane.

Saddex Musharax oo ku heeb ah Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Balse Xildhibaanadaan ay sheegeen in ay Xilka ka qaadeen ayaa isku soo taagaay.

Wareeggga Koowaad ee Doorashada oo ay ku tartameen 1: Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle axmad, Xildhibaan Aadan Xaaji iyo Xildhibaan Salaad Caynte waxa ay kala heleen.

Dhinaca kale doorashada guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug ee ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ayaa ku soo beegmeysa xilli magaalada Cadaado ay iyana ka socoto qabanqaabada doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug taasi oo sii fogeyneysa khilaafka u dhaxeeya garabyada kala fadhiya Dhuusamareeb iyo Cadaado.