Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo Dhaq-dhaqaaq ciidan ka wada Hir-Shabeelle

Wararka ka imaanaya Deegaanka Buurweyn ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ay howlgal ka bilaabeen Deegaankaas.

Deegaanka Buurweyn ayaa dhaca Soohdinta Gobolka Hiiraan uu la wadaago Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaana Deegaankaas ku sugnaa Xarakada Al-Shabaab.

Ciidamada AMISOM ee la socda Ciidamada Dowladda ayaa ka kala socda Dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, waxayna wararku sheegayaan in dhaq-dhaaqyo ay wadaan Ciidamada Huwanta iyo Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa markii loo magacaabay dhowaan Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda oo kaashanaya AMISOM ay tagi doonaan Deegaanada gacanta Maamulka ka maqan.

Waxaana xigay howlgalo uu ku tagay maalin kahor deegaanada dhaca Duleedka Baladweyne, halka Ciidamada Dowladda ay tageen Dhulka buuraleyda ah ee oo ay ku dagaalameen Al-Shabaab.