Awaamiir Culus oo la Dul-Dhigay Dadka Reer Xamarweyne

Waxaa Maanta Xarunta Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir Shir ku yeeshay Guddiga nabadgelyada degamadaas,kaasi oo ay uga hadleen howlaha nabadgalyo ee Xamarweyne,iyaga oo kadib amaro soo saaray.

Amaradaan ay soo saareen Guddiga nabadgelyada Degmada Xamarweyne ayaa ahaa kuwo kala duwan oo ku socday Shacabka degmada,iyo qorsho lagu sugayo amniga degmadaas.

Wareegto ka soo baxday kusimaha guddoomiyaha degmada Xamarweyne Maxamed Axmed iidow ayaa la ogeysiiyay hay’adaha dowladda.