Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda ee Britain oo la kulmay Madaxweynaha Somaliland.

Wafdiga ay hoggaamineyso Harriet Baldwin oo la kulmay Madaxda Somaliland
Wasiiru dowlaha wasaaradda arimaha dibedda ee Britain ugu qaabilsan Afrika Ms Harriet Baldwin ayaa maanta safar shaqo ku tagtay Hargeisa iyada oo wada hadallo xafiiskiisa kula yeelatay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanid ee somaliland iyo madax kale .

Wasiirka arimaha dibedda ee somaliland Dr Sacad Cali Shire oo u warramaya wariyaha BBC Axmed Saciid Cige ayaa wuxuu sheegay in Somaliland iyo Britain ay ka wada hadleen arimo la xidhiidha sii xoojinta xidhiidhka labada dhinac, wada hadalladii Somaliland iyo Somaliya sidii loo sii ambaqaadi lahaa , doorashooyinka baarllamaanka iyo golayaasha deegaanada ee Somaliland ee la filayo iney qabsoomaan bisha March 2019-ka, mucaawinada UK uu siiyo somaliland , Isbeddelka cimilada , iyo kor u qaadida ganacsiga gaarka ah.

Warsaxaafadeed laga soo saaray madaxtooyada ayaa sida oo kale lagu sheegay in ay Britain ugu deeqday somaliland 25million oo pound.

Wasiiru-dawlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika, Mrs, Harriett Baldwin oo ka warranta kulanka weftiga ay hoggaaminaysaa la qaateen madaxweynaha Somaliland, ayaa waxa ay shaacisay dhaqaale horleh oo ay dawladdeeda ugu deeqayso wajiga labaad ee sanduuqa horumarinta Somaliland SDF.

Olole lagu beerayo 60 kun oo geed oo Somaliland ka bilowday
Somaliland oo canbaraysay Tacadiyada lagu hayo dadka Rohingiya
Waxayna tiri, “Aad baan ugu faraxsanahay inaan imaaddo caasimadda Hargeisa maantana waxaan indhahayga ku soo arkay qaar ka mid ah mashaariicda uu dalkaygu maalgeliyo ee loogu talo galay dadka reer Somaliland. Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Development fund) waxa uu gacan siinayaa mashruuca biyo ballaadhinta Hargeysa, waxana aan aad ugu faraxsanahay inaan maanta halkan kaga dhawaaqo bilowga wejiga labaad ee mashruuca horumarinta Somaliland SDF oo aannu ugu deeqaynno 25-Milyan oo bound oo wax lagaga qabanayo kaabayaasha dhaqaalaha ee Somaliland”.