Al-Shabaab oo Mar Kale Ku riday xukun Muqtaar Rooboow ABuu Mansuur.

Ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horraysay ka hadashay tallaabada uu Mukhtaar Roobow isugu soo sharraxay xilka madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed oo uu uga mid noqday ragga u taagan inay qabtaan Jagadaasi.

Warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa bilaawday inay warbixinno ka sameyso dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee Abuu Mansuur uu ka wado magaalada Baydhabo oo xarun u ah Maamul Goboleedka K/Galbeed.

“Abuu Mansuur ayaa markii uu ahaa Afhayeenka Al-Shabaab madaxda dowladda Federaalka ugu yeeri jiray Murtadiin maadaama ay gacal ka dhigteen ciidamada shisheeye sida Uganda, Burundi iyo Kenya, balse isaga ayaa intaas oo dhan ka sii dheereeye wuxuuna ku hoos jiraa taliska ciidamada Xabashida Itoobiya ee gobollada Bay iyo Bakool” ayay Al-Shabaab sheegtay.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaaa ku sheegtay warbixintan inay muuqato in wixii uu ka aaminsanaan jiray madaxda dowladda isagana hadda laga aaminay, kadib markii uu u tafa xeytay hoggaaminta maamul Federaal ah uuna galay xeryaha ciidamada Shisheeye ayaaa lagu yiri warka ka soo baxay Al-Shabaab oo ay baahiyeen Warbaahintooda.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Abuu Mansuur oo ku aadan dhaleecaynta Al-Shabaab, iyadoo Abuu Mansuur dadka Gobolka Bay u balan qaaday inuu tir tirayo lana dagaalayo Al-Shabaab.