Weriyaasha oo looga yeeray Madaxtooyada Hirshabelle

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in goor dhow saxafiyiinta looga yeeray Madaxtooyada Hirshabelle.

Lama oga arrimaha ka socda gudaha madaxtooyada Hirshabelle balse waxaa wararka aynu heleyno ay sheegayaan in halkaas loogaga dhowaaqi doono in xildhibaanada mooshinka ka geeyay Madaxweyne Waare ay ka noqdeen mooshinka ay geeyeen shanti bishan.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa halkaa goordhow gaaray waxaana lagu wadaa in uu ku dhowaaqo in laga noqday mooshinkii loo soo gudbiyay.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa ka socday magaalada Jowhar kulamo kala gaar gaar ah kuwaasoo lagu doonayo in lagu joojiyo mooshinka.