Saraakiil Ka Socda Maxkamada Ciidamada Uganda Oo Soo Gaaray Muqdisho

Saraakiil sare sare oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada dalka Uganda ayaa soo gaaray  magaalada Muqdisho, si ay u qaadaan dacwad loo heysto Askar u dhashay dalkaasi oo ka tirsan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Afhayeenka Militariga Yuganda  Richard Karemire ayaa xaqiijiyay in saraakiishani ka socda Maxkamadda Ciidamada Uganda ay Soomaaliya u aadeen, si ay u dhageystaan sacwad ka dhan ah Ciidamooda ku sugan Soomaaliya.

Mr Karemire ma shaacin nuuca dambiga ay dhageysanyaan iyo shaqsiyaadka loo haysto toon, balse waxa uu sheegay in ay wax iska caadi tahay in xubno ka tirsan Maxkamadda Ciidamada ay u ambabaxaan Soomaaliya.+

Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa leh Maxakamad  Gaar ah oo qaabilsan anshaxa iyo dambiyada ay geystaan  Ciidamada AMISOM, islamarkaana Maxkamadda Ciidmada Uganda ay had iyo jeer u gacan dhaafto AMISOM  dambiyada kala duwan oo ay galaan Ciidamadooda ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Uganda ayaa ah dalka ugu badan oo ay ka socdaan Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya, iyadoona ay ka joogaan in badan 6000 oo Askari.