Madaxweyne Xaaf “Waxaan u gudbinay Beesha caalamka cabasho ka dhan ah dowlada Federalka..”

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa sheegay in beesha caalamka ay u gudbiyeen cabasho ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo Xaaf hadalkaan sheegay,kadib markii maanta uu dibugu laabtay magaalada Dhuusamareeb, isaga oo ka yimid magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Waxaan Beesha caalamka u gudbinay culeysaadka siyaasadeed ee aan kala kulanay dowladda federaalka, si xal looga gaaro mad madowga jira” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug oo maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in Magaalada Nairobi uu kula kulmay xubno ka tirsan beesha caalamka, wuxuuna sheegay inay u bandhigeen culeysaadka dalka ka jira gaar ahaan culeyska dowladda ay ku heyso Galmudug.

“Ujeedadeena waxay tahay sidii wax walba loo hagaajin lahaa, waxaan rajeynayaa wax walba inay fududaadaan”. ayuu yiri madaxweynaha Galmudug oo sheegay inta uu Nairobi ku sugnaa in kulan caadi ah ay halkaasi ku yeesheen madaxda dowlad goboleedyada oo shaqooyin kala duwan u tagay Kenya.