Congo: Tobonaan dad ah oo ku dhintay shil gaari

Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhintay kadib markii gaari wayn oo nooca shidaalka qaada ah uu ku dhacay gaari kale oo marayey waddo wayn oo marta galbeedka Jamhuuriyadda dimuquraadiga ah ee Congo.

Shilka ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Kisantu, oo u dhaxaysa magaalo madaxda dalkaas ee Kinshasa iyo dekedda Matadi.

Atou Matabuana, oo ah guddoomiyaha gobol kuyaal bartamaha Koongo ayaa sheegay in dad gaaraya boqol qof ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

” Holacii ayaa si dhakhso ah ugu faafay guuryihii goobta ka ag dhawa,” sida uu ku warramay raadiye ay Qaramada midoobay leedahay.

Qof goob jooge ah ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in uu arkay “Maydadka dad gaaraya 53 qof oo gubtay”

Dowladda Congo: Qaramada Midoobay “Sawir qaldan ayay ka bixinaysaa Congo”.
Hogaamiyaha mucaaradka Congo oo geeriyooday
Ciidamada DR Congo oo ka hortagay dibad bax
Dhakhtar ku sugan cisbitaal u dhow halka uu shilku ka dhacay oo daawaynaya dadka dhibbanayaasha ah ayaa sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii ay u daawayn lahaayeen dadkii shilkaas ka badbaaday.

” Waxaan iskudayaynaa inaan dadkaas caawinno, oo aan jirkooda biyo la gaarno, balse nasiib darro wali waxaa jira qaar dhimanaya” ayuu yiri Dr Tresor oo u warramay AFP

Mr Matabuana ayaa sheegay in masuuliyiinta deegaanku ay qaadeen tallaabooyinkii ay kula wareegi lahaayeen masuuliyadda dhammaan dadka dhibku soo gaaray.

Magaalada Kisantu waxay 120km (75 miles) koonfur galbeed kaga began tahay magaalada Kinshasa.