TALIYAHA NABAD SUGIDA SOMALIYA IYO MUKHTAAR ROOBOOW OO KU SHIRSAN BAYDHABO

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayaa sheegaya in goordhow halkaasi  ay gaareen wafdi ka socda Dowladda Somaliya.

Wafdigan oo u tagay Baydhabo xal ka gaarista arinta Rooboow, waxaa hogaaminaya Taliyaha Nabad Sugida Somaliya Xuseen Cismaan Xuseen iyo xubno kamid ah Golayaasha kale ee dowladda.

Taliye Xuseen Cismaan Xuseen iyo Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, ayaa waxaa haatan u socda kulan ay Albaabada u xiranyihiin, Kulanka oo ka socda Garoonkka diyaarada Baydhabo, ayaa waxaa dibad joog ka ah Saraakiisha u dhow Mukhtaar Rooboow.

Kulanka oo intiisa badan diirada lagu saarayo, Waxa laga yeelayo hamiga Rooboow ee ah isu sharcida doorashada Koofur Galbeed iyo War Saxaafadeedkii maalin ka hor ka soo baxay Wasaarada amniga Somaliya, ayaan la ogeyn waxa ka soo bixi kara.

Wasaarada amniga Somaliya, ayaa sheegtay in Rooboow, aaney u tartami karin doorashada Koofur Galbeed, maadaama wali aanu laga wada qaadin cunaqabteyntii ay saartay Beesha Caalamka, Rooboow ayaa iska diiday arintaas, isagoo isla maantaba olole ku sameystay Baydhabo.