Fanaanada Shamso Shumey oo xalay ku geeriyootay Muqdisho

Allaha unaxariistee waxaa xalay magaaladda Muqdisho ku Geeriyootay Fanaanadii caanka aheyd ee Shamso Shumey oo ka mid aheyd Fanaaniinta Hobollada Waabari ee dalkeena Soomaaliya.

Marxuumad Shamso Shumey ayaa u Geeriyootay xanuun ay dhul yaal u aheyd muddooyinkii dambe.

Sidoo kale Shamso Shumey ayaa ka mid aheyd Fanaaniinta dal jooga ah ee ku noolaa gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Intii ay ku jirtay fanka Fanaanadu waxaa ay qaaday heeso taariikhda galay oo iskugu jiray Jeceyl iyo Wadani intaba.

Geerida Marxuumadda waxaa ka tacsiyeeyay bahada Fanka Soomaaliyeed oo ay qeyb ka aheyd Fanaanadu.

Saacadaha soo socda ee maanta ayaa la filayaa in Fanaanada lagu aaso gudaha magaalada Muqdisho.

Facebook Comments