Sacuudiga oo kordhiyay ka tarxiilida Soomaalida dalkiisa,tan iyo markii uu soo baxay Khilaafka Khaliijka.

Waxaa maanta duhurtii magaalada Muqdisho la soo gaarsiiyay Soomaali fara badan oo laga soo tarxiilay Dalka Sacuudiga, iyadoo dadkaasi tarxiilka ahaa ay dalka keeneen laba diyaaradood.

Khlilaafka Wadamada Khaliijka iyo Siyaasadii ay Dowladda Soomaaliya khilaafkaasi ka qaadatay ayay dolwadda Sacuudiga iyadoo arrintaasi ka xun bilowday inay dalkeeda ka soo masaafuriso Soomaalida halkaasi ka xoogsata.

“Ciidamada Sacuudiga waxay noo sheegeen inay Safaradeena Sacuudiga joogta ay tahay mid diiday inay dadkeeda wax u qabato, waxayna noo sheegeen inaan nahay dad aan lahayn Safaarad iyo Dowlad u dooda, sidaas darteed Hadii aad dhimanaysaan anaga waxba idiin qabanayno” ayay Tiri Haweenay lagu magacaabo Farxiyo oo aan kula kulanay Wadada dheer ee gasha Garoonka diyaaradaha Muqdisho, xilli ay wada lugaynaayeen iyada dad fara badan oo markaas maanta laga soo tarxiilay dalka Sacuudiga.

Dadkaan tarxiillka ah ee maanta soo gaaray Muqdisho ayaa sidoo kale noo sheegay inaysan marnaba la kulmin Safiirka Soomaalida ee dalka Sacuudiga u jooga, iyagoo sheegay inaysan helin Madax u dooda xuquuqdooda, “jir dil ayay nagu sameeyeen Ciidamada Sacuudiga” ayay sheegeen dadkaasi.

 

“Safiirada Soomaaliya ee dalka dibadiisa waa isku mid, sababtoo ah xalay waxaan joognay Kenya, mana jirto Mas’uul ka socda Safaarada oo noo yimid si uu xaaladeena wax ka ogaado” ayay sidoo kale sheegeen dadkaasi maanta ay dalka keentay laba diyaaradood .