Maqaal: Shirweynaha EPRDF IYO Saadaasha

Waxa Magalada Awasa shirweyne uga furmay xisbiga kaligii taliska ah ee Itobiya gacanta birta ku hayey 27 ee la soo dhaafay. Waxa go’aan ka gaadhi doona 180 shaqsi oo laga soo xulay TPLF(Tigre), Oromo Democratic Party (Oromo oo ka guurtay magacii OPDO) Amhara Democratic Party (oo isna magciisii hore ka guiray) iyo SEPDM (isbahaysiga konfurta). Qolo kastiba 45 xubnood ayey leedahay. Doorkan sidii xiliyadii hore looma kala tun weyna

 

Waxa agenda ugu jira:

1. In Abiy la qiimeeyo sida uu wax u qabtay ama hawshisa uga gaabiyey lixdii bilood ee u hayey RW. Waxbadani in ay ka qaldameen ayaa la taaban doonaa.

2.Qiimayn guud oo lagu sameyndoona xaalka guu ee dalka.

3.Xasuuqa iyo barakacnimada ku baahday dalka intii Abiy hogaanka hayey iyo sida aanu waxba uga qaban. Weli lama hubo in wufuudu ay PM Abiy dusha ka saari doonaan eedaynta oo dhan maadaama dhbta badan Oromo geysatay.

Waxa loo badan yahay in PM Abiy dib loogu dooran doona madaxa huwanta EPRDF ilaa inta laga hadlayo 2020.

Dhibta ugu weyn ee EPRDF haysataa waxa weeye iyada oon diyaar u ahayn in ay ka guurto nidaamka kaligii taliska ahaa ee 27 ee ugu dambeeyey dalkan lagsoo maamulayey.

Hadaan nidaamka laga guruna sadex arimod ayaan laga faka karin:

1. Dalak waxaa xuurto ku sii hayndoona afarta qowmiyadood e EPRDF ka koobantahay saraakiishooda. Janaraaladii ayuunbaan weli taladu gacanta ugusii jiri doontaa.

2. Kuwan aan taagta lahayn ee tabcaaniinta ah sida Soomaalida, Benishangul, Canfarta waxay sii ahanayaan kuwo xuquuqdooda iyo khayraadkoodaba la duussiyo. Hadashaan waxaan la hub in sida loo maareyn doono shidaalka Soomaalida.

3.Isbadalkii uu PM Abiy isagoon ka fiirsan sida fudud kaga dhawaajiyey waxa uu qarqarka u saaranyahay in uu noqdao waxa Soomaalida tidhaa “Dhaddo Roob noqonweyday.”

Faiso Roble