EU Navfor Somalia oo dhaleeceysay kalluumeeysiga sharcidarrada badda Soomaaliya

Wafdi ka socda midowga Yurub qaybta ciidamada badda u qaabilsan Soomaaliya ayaa xalay kulan la qaatay aqoonyahanka jaalliyadda Soomaalida ee magaalada Birmingham ee dalka Britain.

Gaashaanle David Burns ayaa warbixin ka siiyay howlgalka Atalanta, wixuuna sheegay in howlgalkani ku bahoobeen 18 dal oo yurub ah marka laga reebo laba waddan.

Gaashaanle Mr Burns wuxuu kaloo sheegay in miisaaniyadda howlgalku tahay 5.000.000 oo lacagta Euro ah.

Mar uu ka hadlayay ujeedada howlgalka Atalanta wuxuu Gaashaanle Burns caddeeyay inay tahay ka hortagga howlaha sharcidarrada ah ee ka jira badda Soomaaliya, sida burcadbadeedka.

Intuu kulanku socday ka qaybgalayaasha waxay walaac ka muujiyeen , welibana dhaliileen kalluumeeysiga sharcidarrada ah ee ka jira badda Soomaaliya.

Dadka qaar ayaa qabo EU Navfor Somalia joogitaankoodu sharci sax ah maahan isla markaana qaarkood waxay ilaashadaan maraakiibta sida sharci darada ah uga kaaluumaysta ee Yurub laga leeyahay sida Spain iyo France. Sunta la duugayo ma qabtaan laakin waxay u fadhiyaan waa gumaysiga cusub ee boobka khayraadka Soomaaliya.

 

Facebook Comments