Ciidamada Cirka Kenya oo Duqaymo culus ka fuliyay Xalay Deegaanka Ceel-Cadde ee G/Gedo.

Duqeyn diyaaradeed ayaa xalay waxa ay ka dhacday tuulooyinka Makka iyo Qansax-oomane oo hoostaga degaanka Ceel-cadde oo ka tirsan gobolka Gedo, sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan gobolkaasi.

Diyaarado dagaal oo joog hoose ku socday ayaa gantaallo culus la beegsaday fariisimo Maleeshiyada Kooxda Al Shabaab ay ku leeyihiin tuulooyinka ku dhaw degaanka Ceel-cadde.

Col.Cabaas Gurey oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda gobolka Gedo ayaa wuxuu sheegay goobta la bartilmaameedsaday inay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Nabad diidka Al Shabaab oo uu ka mid yahay taliyaha amniyaadka Argagixisada ee gobolka Gedo.

Sarkaalka asi ayaa u sheegay Warnaahinta Dowladda in duqeyntan aanay jirin khasaare dad shacab ah ka soo gaaray, taasi bedelkeeda ayuu tilmaamay inay khasaare kala duwan ku gaarsiiyeen xubno ka tirsan Kooxda Al Shabaab.