Xildhibaanada jooga Dhuusamareeb oo dib u dhigay doorashada Gudoomuiyaha Galmudug

Xildhibaanada ku sugan Magaalada Dhuusa mareeb ayaa waxaa ay sheegeen inuu dib u dhac ku yimid doorashada gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug, kadib markii dhawaan xildhibaano ku shiray Dhuusa mareeb ay xilka gudoomiyenimo ka qaadeen Cali Gacal Casir.

Sababta dib u dhac ayaa lagu sheegay in tahay, kadib markii musharixiinta u tartamaya xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ay dalbadeen in dib loo dhigo doorashada si ay Ololo u sameeyaan.

Ilaa iyo hada lama shaacin waqti la qabanayo doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Khilaafka u dhexeeya Madaxda ugu sareysa Galmudug ayaa xiligan waxaa uu gaaray meeshii ugu xumeed.