Wakiilka Cusub Ee QM Arrimaha Somalia Oo Soo Gaaray Muqdisho

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta Muqdisho ku soo dhaweeyay Wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Haysom,kaasi oo dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya.

Nicholas Haysom waa markii ugu horeeysay ee uu yimaado Magaalada Muqdisho,isaga oo bedelaya Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating.

Wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee loo magacaabay Soomaaliya ayaa sheegay ‘Sharaf iyo mudnaan gaar ah ayey ii tahay inaan halkaan joogo labada sano ee soo socota aadbey muhiim ugu tahay”ayuu yiri Nicholas Haysom .

Nicholas Haysom ayaa waxa uu u dhashay Dalka South Africa,isagoona xilka kala wareegay Michael Keating,wuxuuna si toos ah u bilaabi doonaa howlihiisa shaqo ee Soomaaliya.