Saldhigyo shabaab ay ku leeyihiin Jubada dhexe iyo Shabeelaha dhexe oo la bur-buriyay.

Waxaa Xalay ayaa la duqweyey saldhigyo Shabaab ku leyihiin degmooyinka Bu’aale iyo Jilib ee Jubada dhexe iyo sidoo kale deegaanka Basra oo u dhaw degmada Balcad ee Shabeelaha dhexe.

Ilo wareedyo ayaa KNN u sheegay in gantaalada lala dhacay Bu’aale lagu dilay xubo sare oo Al-shabaab ka tirsanaa uuna kamid yahay sida la sheegay amiirkii amniyaadka Gobolka Banaadir oo magaciisa lagu sheegay Cabdifitaax.

Duqeynta Jilib ka dhacday ayaa iyana lagu sheegay in lala bneegsaday xarunta Guud ee ay Shabaab ku diyaarinayeen qaraxyada, waxaana la tilmaamay in halkaasi uu bur bur xogg leh la gaarsiiyay loogana dilay xubo kor u dhaafaya 10-Shabaab ah.

Isla Jilib ayaa la sheegayaa in duqeyn kale lala beegsaday Shabaab u diyaarsanaa sida la sheegay in ay weerar qaadaan, balse laga dilay tiradii ugu badneyd ee abaabulka dagaal ku jirtay lana bur buriyay gaadiidka dagaal oo ay heysteen Al-Shabaab.

Sidoo kale xalay waxaa meelaha ay duqeymaha ka dhaceen ka mid ah deegaano u dhaw degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe oo basro ay ka mid tahay waxaa ilo waredyada ay sheegeen in la beegsaday Shabaab caruur xoog uga ka xeystay deegano ka tirsan Shabeelaha dhexe.

Lamana tirada dadka ku dhintay duqeynta ka dhacday deeganaka Basra.

Shalay oo ugu dambeysay ayay ahayd markii ay Taliska Mareykana Afrika u qaabilsan ee la yiraahdo Africom ay warbixin ku sheegeen in duqeyn diyaaradeed ka fuliyeen Jubada Hoose lagu dilay 96-xubnood oo Al-Shabaab ka tirsanaa.