Baroordiiqda 3 October Oo Lagu Qabtay M/ Muqdisho

Saddexda October 1993-kii maanta oo kale waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dagaal u dhaxeeyay isbaheysiga SNA iyo Ciidamada Mareykanka ee xilligaasi ku sugnaa dalka, iyadoona Mareykanku uu duqeeyay Hoy ku yaallay degmada Howlwadaag oo la sheegay in uu ku sugnaa General Maxamed Faarax Ceydiid.

Duqeyntaasi ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo Rayid ahaa oo aan waxba galabsan.

Munaasabad loogu baroordiiqayay maalintaasi, ayna ka soo qeybgaleen Waxgarad iyo Siyaasiyiin ayaa maanta lagu qabtay gudaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale munaasabaddan oo aheyd mid ballaaran ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxqabadkii isbaheysiga SNA .