War-saxaafadeed kasoo baxay Dallada Bulshada Soomaaliyeed ee Yurub ee loo yaqaan (European somali Association)

BRUSELESS (NEWS- 1.10.2018 ) War-saxaafadeed kasoo baxay Dallada Bulshada Soomaaliyeed ee Yurub ee loo yaqaan (European somali Association), ayaa Baaq loogu jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Gobaleedyada iyo Hay’adaha Beesha Caalamka ugu Xil saaran Arrimaha Soomaaliya, kaas oo Ku aadan la dagaalanka Musuq-maasuqa.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Ururka Bulshada Soomaaliyeed yurub, ayaa loogu soo Jeediyay Dowladda Federaalka, gaar ahaan Xukuuamdda uu Hoggaamiyo Ra’iisulwasaare kheyre inay Aqbasho inay Wada-shaqeyn dhow LA yeelato Hay’adaha iyo Ururada ka Caawin karra la dagaalanka Musuq-maasuqa.

European somali Association, ayaa si gaar ah u Codsaday in loo Ogalaado inay Baaritaan ay Sameeyaan Hay’adaha Madaxa banaan ee ay Soomaalidu Lee yihiin oo ay kamid tahay Fartaag Research and Consulting (FRC).

AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA OO KU QORAN LUUQADA ENGLISH-KA.

Musuqmaasuqu waa cadowga ugu weyn ee ka hor yimaada hor-u-marka, ay bulshada ay hiigsanayso.

Ha noqota mid dhinaca siyaasadda ah, mid dhaqaalaha ah. Waxaanu hoos u dhigaa Dawlad-Wanaaga iyo Dumuqraadiyadda.

Dhibka ugu badan hada waa biilsiga kuraasta xildhibaanada iyo xilalka dawladnimo. Dulmiga lagu hayo Dumarka shaqadoonka ah oo shuruur lagu xiro. Dumar nimadooda lagu liidayo.

AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA OO KU QORAN LUUQADA ENGLISH-KA.