Shil Khasaaro Geystay oo ka dhacay Gobolka Mudug

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaare geystay oo Saakay ka dhacay deegaan hoostaga gobolka Mudug.

Shilkan ayaa yimid, kadib markii uu rogmaday Gaari Xamuul ah oo marayay deegaanka Gawaan ee gobolkaasi.

Gaarigan ayaa la sheegay in uu ku sii jeeday degmada Hobyo ee isla gobolka Mudug, sida ay Shabelle u sheeegeen dad Goobjoogaal ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa shilkaasi ku dhintay illaa 4 Qof oo ka mid ah Rakaabkii saarnaa Gaariga, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Dadka ku dhaawacmay shilkan ayaa lagu soo warramayaa in la geeyay mid ka mid ah Isbitaallada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Inta badan shilalka ka dhaca G/ Mudug ayaa loo sababeeyaa burburka waddooyinka iyo Darawallada oo si xawli ah u kaxeeya Gaadiidka, xilli ay ku socdaalayaan gobolkaasi.