Maraykanka oo sheegay inay Duqaymo ku dileen 9-ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Diyaaradaheeda aan duuliyaha laheyn ay Duqeyn la beegsadeen Saldhig ururka Al-Shabaab ay ku leeyihiin degaan ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka Afrika (AFRICOM) ayaa waxaa lagu sheegay in Duqeyntan oo dhacday shalay taasoo ka dhacday degaan 40-KM Waqooyi Bari ka xiga Magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

Mareykanka ayaa sheegay in Duqeyntan lagu dilay 9 ka tirsanaa Maleeshiyadka Al-Shabaab, kuwaasi oo uu sheegay in weli ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah, si loo soo bandhigo magacyadooda iyo xogtooda.

Taliska Mareykanka ayaa qoraalkiisa ku sheegay Duqeyntan oo ay garab ka siiyeen Ciidanka gaarka ah ee Kummaandooska Soomaaliya inaan qof shacab ah lagu waxyeelayn, maadaama bartilmaameedka uu ahaa mid qorsheysan.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan Saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin Gobolada dalka gaar ahaan Gobolada Jubbooyinka.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa dhawr mar lagu bartilmaameedsaday degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya, halkaasi oo gaadiid looga gubay Saraakiilna looga dilay duqeymo kala duwan oo dhacay.