Madaxda Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyay Odayaal ku shahiiday la dagaallanka Alshabab

Madaxda Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyay Odayaal ku shahiiday la dagaallanka Alshabab, ballanna ku qaday in ay jawaab deg dega ay kabixin doonaan.

Lataliyaha sare ee dhanka saxaafadda Madaxweynaha Hirshabelle ayaa bartiisa facbooka kusoo daabacay ,bayaanka kasoo baxay mas’uuliyiinta Hirsbabelle ,sidaan ayuuna u qornaa:-

Madaxweynaha Hirshabelle State, Madaxweyna Ku xigeenka Hirshabelle Ali Gudlaawe Hussein iyo dhamaan mas’uuliyiinta waxeey tacsi udirayaan halyeeyadii ku shahiiday ladagaallanga Argagixisada Shabaab ee cadawga ku ah bulshada hirshabelle.

Marxuumiinta hormuudka u ahaa iska xoreeynta Argagixisada ee sida iskood isku xilqaamay,kuna shahiiday ayay uga tacsiyeeyeen ehelkii iyo bulshadii ay kabaxeen in uu samir iyo iimaan uu All kasiiyo.

Marxuuminta maanta shahiiday ee kala ahaa:-
1-Marxuum Hibaad Cali Dasar (AU)
2-Marxuum Nuur Cali Junbur (AU)

Madaxda Hirshabelle waxeey ballan ku qaadayaan in ay si deg deg ah ay jawaab uga bixin doonaan lana garab istaagi doono dhamaan bulshada ku midoowday in ay iska xoreeyaan kooxaha duullaanka ku ah jiritaankeena.

Dowlad goboleedka Hirshabelle waxey dhameeystirtay dhamaan agabyadii ay ubaahnaayeen bulshada iskood isku xilqaamay iyo hey’adaha amniga Hirshabelle si looga cirib tiro kooxaha nabad’diidka ee gabbaadka kadhiganayay deegaannada hoos yimaada dowladda Hirshabelle.

Mahadsanidiin !
Hassan Abdikadir Mudey