DHAMBAAL KU SOCDA SHARIIF XASAN

Dhambaalkaani wuxuu ku socdaa  MadaxaDowlad Goboleedka K/Galbeed Shariif XasanSh. Aadan, waana tusaale iyo wax xasuusin  lagayaabo inay anfacdo isaga iyo wixi la jaanqaada.

Waxaa jiray beri nin nolosha aad ugu dhibtooday oo ugu dambeynti go’aan ku gaaray inuu is-dilo.  Asagoo socda meel xeeba ee u dhaw jabal ama buur uu rabay inuu iska tuuro, ayaa waxaa ka hor yimid nin aad u lebis fiicanoo weydiiyayxageed ku socotaa..markaasuuku yiriwaxaan rabaa inaan is-dilo oo noloshii ayaa aad iigu adkaatay”.

Ninkiibaa ugu jawaabaywaxba ha-isdilin, aniga waxaan ahay MALAKUL MOWT wixii maanta ka dambeeyana waad I arki doontaa ee qofkii aan ka fadhiyo lugaha waa ruux nolaanaaya ee Qur’aan saar, lacagna kaqaado… laakin qofki aan madaxa ka fadhiyo u sheeg dadkiisa in qofkaani ay tiisi gashay”.

Ninkii wuxuu naqday maal-qabeen la wadayaqaanno magac fiican iyo ictiraaf ku yeeshay bulshadi oo dadkii oo dhan ay raadinayaan.  Maalintii dambe ayuu xanuunsaday markaasaa MALAKUL MOWTKI ka soo fadhiistay madaxa.. markaasuu lugaha xejiyay.. Malaki waa soo wareegtay uu madaxii ka fadhiistay.. markaasuu isku dayay inuu lugaha u wareejiyomarkaasaa la yiri maanta ama madaxa I xeji ama lugaha maanta waa maalintaadi ee bal xasuuso maalintii aan kaa soo celiyay inaad is-disho!!!

Haddaba Shariif Xasan maanta waa maalintaadi, ma ahan saadaalin inay dhimaneyso, ee ama Baydhabo ka dhuumo ama god qodo ee gal waxaa la soo gaaray xilligaad socoheysay ee Ilaahey dembi dhaaf weydiiso iyo inaad ka sabarto jagadaan dhibka badan kaa qanciyo waayoo dadka ku taagersan iyo kuwa kaa soo horjeeda waxaa laga yaabaa in tiro ahaan ay isla egyihiin.. waxaana iga tala ah inaad dadka kaqariso wejigaaga ood meel kale raadsato iskana illawdo ood isku qanciso in Madaxweyennimo dambe iyo adiga aad kala socoteen…ma laga yaabaa inaad ku qanacdo hadalkaan oon wax dan ah ka lahayn Koofur/Galbeed ciddi madax ka noqota.

Axmad Calasow