CIidamada Kenya oo sheegay inay dileen 10 ka mid Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ciidamada Kenya ayaa dilay ugu yaraan 10 xubnod oo ka tirsanaa Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay dagaal Maanta oo Isniin ah ka dhacay Gobolka Xeebta ee Dalka Kenya.

Paul Njuguna Af-hayeenka Ciidanka difaaca Kenya ayaa sheegay inay xubnahaasi ka tirsanaa Al-shabaab laayeen xilli ay howlo roondo ah ka wadeen waqooyiga Lamu.

“Maanta ayay ciidamada difaaca ee KDF weerareen degaanka Taksile oo ka tirsan Lamu, halkaas oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab” ayuu yiri Afhayeenku.

Af-hayeenka ayaa sidoo kale sheegay inay Maleeshiyadaasi ka furteen Toddoba Qori oo nooca AK47 ah iyo saanad ciidan.

Dhanka kale Paul Njuguna, ayaa sheegay in Ciidankoodu uu saddex ka mid ihi dhaawac ka soo gaaray iska horimaadka dhex maray iyaga iyo Maleeshiyada ka tirsan Al-Shabaab.