Aragtida aan ka qabo Xisbi La sameystay….

Aragtida aan ka qabo Xisbi lasameeyay waan soo arkay waana wax aan xog’ogaal usoo ahaa xisbiyadii lagu aas aasayay waddankeena sanooyinkii danbe,taasoo ugu danbeeyn aan wax guulo ah laga gaari jirin.

Qodobada markasta guul darraddaa sababta u ahaana waxaa kamid ahaa :-

1-Dalkeena oo aan laheeyn Dastuur dhameeystiran,habkii loo dhameeystiri lahaana aysan wali ii muuqan ifa faalaheeda.

2-Ajandooyinka Xisbiyada loo sameeynayay oo iyagana ahaa kuwa aan mabda’ ahaan loo wada sinneyn.

3-Shacab aan sinneeyn oo qaanuunkoodu dhigagayo 4.5 taasoo iyadana ah caqabad aan si siman loo wada sameeysan karin Xisbi hadafkiisu yahay in uu ku guuleeysto kursiga ugu sarreeya dalkeena.

4-Markasta oo lasameeyay Xisbi waxaa ku hoos noolaa kooxo si gaara u abaabulan oo aan dhamaan inta isku wada raacsaneeyd aan wada aheeyn.

5- Ajandaha badanaa aan usoo joogay ee ah jiritaanka Xisbiga oo marna aan laga tala galinin saaxiibadii la dhacsanaa,kana tirsanaa Xisbiga.

6-Dalkeena waa Federaal oo waxeey cid waliba leedahay astaan u gaar ah,mana jiro is’aamin dhameeystiran oo lagu wada kalsoonaan karo.

Intaa iyo in kabadan marka la’isku daro waxaan aniga kaga harayaa in aan ahay shakhsi Soomaali ah kana soo jeeda Hirshabelle State.

Waa aragtideeyda gaarka ah .
Mahadsanidiin !
Hassan Abdikadir Mudey