Faah faahin: Qarax ismiidaamin ah oo lala eegtay Milateriga Talyaaniga ee jooga Soomaaliya.

Waxay wararku sheegayaan in sadex qof la xaqiijiyay inay ku dhinteen Qarax lala eegtay kolonyo ay la Socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Yurub ee Soomaaliya jooga oo ka dhacay waddada warshadaha ee Muqdisho gaar ahaan Agagaarka Wasaaradda Difaaca.

Isbitaallada Magaalada Muqdisho ayaa la gaarsiiyay dhaawacyo kala duwan oo ay waxyeelo ka soo gaartay Qaraxii maanta.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qarax ismiidaamin ah oo la beegsaday baabuur milatari oo ay leeyihiin ciidamada Talyaaniga, oo qayb ka ah kuwa Midowga Yurub ee Soomaaliya u jooga tababarka ciidamada Soomaaliya iyo talo-siinta kuwa AMISOM.

Baabuur uu waday qof ismiidaamiye ah ayaa lagu dhuftay gaari ay leeyihiin milatari Talyaaniga.

Dhanka kale Gaariga uu Qaraxu qabsaday ayaa qeybta Dambe ka burburay, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Midowga Yurub iyo Hay’adaha ammaanka dawladda.