Talo waydiin Ku socoto waalidka Soomaaliyeed ee qurbaha Ku nool:

Inta badan waxaan aad ugu hadalnaa siyaasadda dalkeena wax wanaagsan iyo inta xunba, mushkiladaha na haaysto kaliya ma aha mid siyaasadeed, waxaan arkaa inay jiraan mushkilado mushtamaciyin nahaaysta dadkeena dibada iyo gudahaba ku nool.

Dagaaladii sokeeye ka dib waxay dadkeena inta badan u soo qaxeen dibadaha, waxaan dibadaha ku barbaarinay jiil Soomaaliyeed oo intooda badan leh aqoon sare, maantana ka mid noqday mushtamaca aan la nool nahay oo meel wanaagsan ka gaaray. Hurumarkaas wanaagsan waxaa hurmuud ka ah gabdhaha aan dhalnay oo intooda badan maanta ah kuwa lagu fahani karo, nasiib daro waxaa ku gabdhaheena ku adag inay fursado u helaan barshada wiilasha Soomaaliyeed ee la aqoonta ah oo dhaqan ahaana fahmi kara, waayo waxay u baahan yihiin kuwa la aqoon ah oo fahmi kara dhaqanka ayku soo barbaareen.

Waxaan ognahay in mushtamcayo badan sida Pakistan iyo Iran iyo dowlado kaloo badan jaaliyadooda dibada ay leeyihiin qorsho ayku kulmaan sanadkiiba mar si ilmaha leesku baro tasoo ay guul wayn ka gaareen qaasatan dhanka guurka dhex maro ilmahooda.

Ka dib markaan aad u dersay jaaliyadaha kale ee ku nool qurbaha sida ay ugu guuleesteen badbaadinta ilmahooda waxaan aaminsanahay in lala Imaan karo qorsho aan ilmaheena isku barno. Taas awgeed waxaan ka codsanayaa waalidiinta iyo dhalinyaradaba inay arinkaan fikrad ku biirshaan. Waa inaan fahanaa waxa lakala qaybin kara waxaa ka badan inta aan wadaagno hadaan Soomaali nahay.

Wa bilaahi towfiiq.

Sheiknor Abucar Qassim.