Maxaad kala socotaa in Diyaarado Mareykan ah wax ka xadaan Soomaaliya

Hadalka Siyaasiga Farah Maalim yaan la dhayalsan ama layareysan waa tuhun weyn oo dadbadan oo Soomaaliyeed ku jira, waayoo ilaa hada oo ay 10 sano iyo kabadan Sh/Hoose degan yihiin US-Marine Force duuli maad iyo Ciidamana ay ku heystaan xerada iyo garoonka Balidoogle oo aan la aqoon cid siisay ama dejisay iyo koontaroosha ama la socota howlahooda, hadana lama yaqaano waxa ay halkaas ka qabtaan, marka laga reebo in ay halkaas ciidamo ugu tababaraan Soomaaliya balse ay iyagu sikale Ciidan kaas u adeeg sadaan sida warar hoose sheegayaan.

Mr Farah waxa uu hadalkiisa #Twitter ku yiri:- “Habeen kasta 3-da habeenimo dayuurado kuwa xamuulka ah oo uu Mareykanka leeyahay ayaa isku dhaafa Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho iyo kan Balidoogle iyagoo mugdiga ku gambanaya una socda meelo aan la aqoon, konteenaro min 40 Ft ah ayaa sidoo kale laga soo daabulaa Buur Hakaba ilaa Barawe waxa ay xadayaana waa macaadin”

WAXAAD MAANTA BI’ISAAN BIRI HA U SHALAAYINA.!!!

Abdulqadir Farah Dulyar