50 milyan oo qof oo Facebook adeegsada oo xogtooda la xaday

Maamulka Shirkadda Facebook ayaa shaaciyay in ku dhawaad 50 milyan oo qof oo adeegsada shabakadeeda xogtooda u dayacantay cillado farsamo oo xageeda ka timid awgood.

Facebook waxay sheegtay in dadka xogtaa jabsaday ay ka faa’iidaysteen nugaylka qodobka ilaalada ee la yiraahdo “View As” taas oo u sahashay in ay si fudud u helaan xogta dadka.

Weerarkaasi dhanka Internerka ah ee lagu qaaday Facebook ayaa dhacay maalintii Talaadada aheyd.

Dadka adeegsada shabakaddan ee ay suurto galka tahay in ay arintaani saamaysay ayaa isla markiiba Jimcihii lagu wargeliyey in ay xiraan bogagooga oo hadana dib u furaan.

“Cilladii farsamo waa la furdaamiyey” ayuu ku yiri qoraal madaxa waaxda ilaalada xogta ee shirkaddu, waxaanu intaa ku daray in bogagga dadka arintaasi saamaysay dhamaantood la adkeeyey ilaalintooda iyo sida oo kale in la qaaday “talaabooyin ka hor tag ah” oo lagu daryeelay 40 milyan oo bog oo kale.

Facebook, oo sicirka saamiyadeedu hoos u dhaceen in ka badan 3% maalintii Jimcihii, ayaa waxa si joogto ah u adeegsada shabakadeeda laba bilyan oo qof bishii ba.