Taliska Africom oo shaaca ka qaaday in howlgal ay sameeyeen ku dilayn xubno ka tirsan Al-Shabab.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandoska Soomaaliya oo iskaashanaya ayaa howlgal qorsheysan waxay ka fuliyeen deegaano dhanka Koonfureed ee magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo kooban kana soo baxay taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee Africom ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen lagu dilay xubno ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

“Howlgal dhanka cirka ah oo ciidamadeena la kaashadeen ciidanka Soomaaliya ayaa lagu dilay 3-ka tirsan Al-Shabaab,gaar ahaan deegaan qiyaas ahaan 40-KM dhanka Koonfur Galbeed kaga began magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya”. ayaa lagu yiri warsaxafadeedka Africom.

Taliska ciidamada ee Africom ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, ilaa ay ka tirtiraan al-Shabaabka jooga Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka,sidoo kale wuxuu talisku sheegay in hadafkooda uu qeyb ka yahay talaabooyin looga hortagayo khatarahooda.

“Waan sii wadi doonaa howlgalada ka dhanka ah argagixisada,anagoo isticmaalayna awoodayna iyo fasaxa aan haysano,waxaan kaashanaynaa AMISOM iyo ciidanka Somalia, waxaan beegsan doonaan meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan iyo xerooyinkooda tababarka ay ku qaataan,gudaha Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka,ilaa aan awoodooda wiiqno”. ayaa la yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska Africom.