Kulliyadda Beeraha Jaamacadda Benadir oo qabatay shirweyne looga hadlayey Geedka Cali Garoobka

Shirweyn looga hadlay faa’iidooyinka iyo dhibaatada Geedka ay Soomaalida qaarkood u taqaano (Cali Garoobka) ayaa lagu qabtay Xarunta Jaamacadda Benaadir ee Magaalada Muqdisho.

Kuliyadda Beeraha ee Jaamacadda Benaadir ayaa soo qaban-qaabisay dood cilmiyeedkan oo ahaa mid aad u xiise badan, waxaana ka qeyb qaatay aqoonyahano wax ka dhiga Jaamacadaha dalka qaarkood iyo khubaro ku taqasusay arrimaha beeraha iyo deegaanka oo ka howlgala heyaddo maxali ah iyo kuwo caalami ah oo muddo dheer ka soo shaqeynayey mashaariicdii dhinaca beeraha ee dalka laga fuliyey.

Waxaa dood cilmiyeedkan si weyn loogu faaqiday, taariikhda geedkan, xiliga la soo geliyey Somalia, faa’iidooyinkiisa hababka ugu haboon ee looga faaiideysan karo iyo sida looga gaashaaman karo dhibaatooyinka uu wato.

Qaar ka mid ah khubaradii ka qeyb qaatay Dood cilmiyeedkan ayaa sheegay in geedka Cali garoobka magaciisa rasmiga ah uu yahay (Prosopis Juliflora) halkii ugu horeysay ee caalamka lagu arkayna ay ahayd Koonfurta qaarada Amerika boqolaal sano ka hor, waxayna intaa ku dareen geedkan uu yahay mid adkeysi badan oo ku baxa cimilo walba inkastoo uu aad ugu fiican yahay dhulka kuleylaha ah.

Daraasad la sameeyey ayaa lagu ogaaday sida khubaradu sheegeen in geedkan xididiisa ay dhulka hoos u galaan 30-35 mitir si uu u helo biyo iyo macaadin ku filan taasoo sababtay inuu adkeysi u yeesho abaaraha iyo roob la’aanta.

Khubarada ayaa intaa ku daray in Geedkan uu ku fiday meelo badan oo caalamka ka tirsan haba ugu badnaatee dalalka India iyo Australia, markii ugu horeysayna sanadkii 1950-kii uu Somalia keenay nin ingiriis ah oo la oran jiray Dawsan kaasoo ku beeray degaanka Buloxaar oo Magaalada Berbera ku dhow, iyadoo sanadkii 1980kii ay Koonfurta Somalia keentay heyadda FAO, si ay uga faaiideystaan Qaxootigii ka dhashay dagaalkii 77, iyadoo sidoo kalena loo adeegsaday bacaad-celintii dowladii Kacaanku ka sameysay degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Geedkan faaiidooyin badan oo aan la soo koobi karin ayuu leeyahay, dhakhso ayuu u baxaa, mar walba waa cagaar, xoolaha mirihiisa cuna wey ka caano iyo hilib badan yihiin kuwo kale, xitaa isagoo qoyan dhuxul ayaa laga dhigan karaa, tiirar wax lagu dhisto ayaa laga sameeyaa, waxaa loo adeegsadaa, bacaad celinta iyo difaaca degaanka wuxuuna ka hor tagaa Nabaad guurka Waxaa sidoo kale la sheegay magacyo kala duwan oo degaanada Soomaalida looga yaqaano geedkan sida Cali garoob, Geed Yuhuud, Garan-waa, keligii noole iyo kuwo kale, waxayna khubaradu waxba kama jiraan ku tilmaameen feker qaldan oo keenay in Soomaalida qaarkood ay geedkan ula baxaan (Geed Yuhuud), iyagoo xusay in geedkan uusan aheyn kii uu Nabigu NNKH sheegay inuu qarinayo Yuhuuda marka ay la dagaalamaan Muslimiinta xiliga Aakhiru zamanka ama dhamaadka dunida.

Gebagebadii waxaa la soo jeediyey qodobo iyo talooyin ku saabsan sidii dhibaatoyinka uu geysto loo yareyn lahaa, dhinaca kalena sare loogu qaadi lahaa ka faa’iideysigiisa iyadoo la dhowrayo degaanka.

Guddoomiyaha Jaamacadda Benaadir Prof/Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ka hadlay munaasabada ayaa bogaadiyey ka qeyb galayaasha dood cilmiyeedkan oo uu sheegay iney si saraxaad leh oo aan horey loo arag uga hadleen geedka Cali garoobka.

“Inkastoo geedkan uu dhibaatooyin geysto haddana faa’iidooyinkiisa ayaa ka badan sida ay inoo sheegeen khubaradii ka qeyb qaadatay dood cilmiyeedkan, sida aan ognahay Soomaalidu geedkan waxay ka aaminsan yihiin feker qaldan oo ah in dhibaato mooyee uusan faaiido laheyn, taasna waxaa sabab u ah aqoon darida ka heysata, si ay uga faaiideystaana wacyi gelin badan ayaa loo baahan yahay” ayuu yiri Dr Dalmar oo u mahad celiyey ka qeyb galayaashii doodan iyo kulliyadda Beeraha oo soo qaban-qaabisay.

Senator Prof. Cismaan Max’uud Dufle oo ka mid ah xubnaha aqalka sare ee Baarlamanka Somalia oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu riyaaqay sida cilmiyeysan ee khubaradu sharaxaada uga bixiyeen geedka Cali garoobka iyo waxtarkiisa isagoo soo jeediyey in nuxurka dood cilmiyeedkan laga sameeyo buug, lana gaarsiiyo bulshada si ay uga faaiideystaan.

Gebagabadii kulankaas waxaa ka hadlay agaasimaha guud ee Wasaarada beeraha Xukuumada federaalka Somalia Prof. Max’uud Maxamed Max’uud oo khubarada ka qeyb qaadatay dood cilmiyeedkan ku amaanay sida hufan ee ay uga hadleen geedka Cali garoobka, isagoo dhinaca kale sheegay in Wasaaradiisu ay dejineyso qorsheyaal la xiriira sidii looga faa’iideysan lahaa geedkan iyo kuwa la mid ah.

Khubarada iyo aqoonyanada ka qeyb hadlay doodan ayaa waxaa ka mid ahaa Dr. Ismaaciil Caanoos, Max’ed Mayow Cabdulle, C/qaadir Nuur Hadafow, C/llaahi Cumar Max’uud, Eng. C/qaadir Cumar, Maxamed Aadan Geelle, Maxamed C/salaan, Dr. Axmed Cilmi Guure, Maxamed Ibraahim, Prof. Max’uud Maxamed Max’uud iyo kuwo kale.