Howlgal Ciidamada NISA ku Qabteen Xubno Al-Shabaab ah oo Qarxyada Khabiir ku ah

Hay’ada nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka ayaa Qoraal ay ku daabacday bartiida Twitter-ka waxay ku sheegtay in ciidamada NISA ay howlgalo ka dhan ah Al-Shabab ay ka sameeyeen Ex-kontorool ee Magaalada Muqdisho.

Nabad Sugida Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada amaanka ay xalay baaritaano ay ka sameeyeen Ex-kontorool muqdisho ay ku qabteen Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab u qaabilsanaa Dhinayacyada Qaraxyada.

Hay’ada Nabada sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa sheegtay inay Ragaasi ay qabteen inay khabiir ku yihiin Qaraxyada, waxayna sheegeen in howgalkaasi saacada qaatay oo si taxadar leh loo sii qorsheeyay, kana dhacay agagaarka X-koontarool Mogadishu, waxaana lagu soo qabtay Howlgalkaasi xubno Al-Shabaab ah oo ahaa Khabiir dhanka qaraxyada, habeynimada xalay 27-ka Sabtember, mana jirto cid wax ku noqotay sida ay lagu sheegay qoraalka NISA.

Dhanka kale Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa waxay kordhiyeen howgalada qorsheysan ay ka fulinayaan Xaafadaha Magaalada Muqdisho, islamarkaana ay ku baadi goobayaan Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.