Ciidmada Amniga degmada C/Waaq oo hal Talis loo sameeyay.

Wararka ka imaanaya Degmada Cabuud Waaq ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhacday munaasabad lagu mideynaayay ciidmadda Xasilinta Waqooyiga Gobalka Galgaduud ee kala ah Booliska, Nabad Sugidda iyo Militariga ayaa lagu qabtay saldhiga degmada Caabudwaaq, waxaana loo sameeyay Hal talis oo leh Taliye iyo Taliye ku xigeen sida ay baahisay Wakaaladda Wararka SONNA.

Munaasabadaasi ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Maamulka degmadda Caabudwaaq, Taliyaha Ciidamada Qeybta 21aad, Guddiga Xasilinta, Odoyaasha dhaqanka iyo xubno ka socday qaybaha kala duwan ee Bulshada

Mahad Cumar Cilmi Guddoomiyaha Degmadda C/Waaq oo isku darka ciidamada ka hadlay, ayaa ku booriyay inay si wada jir ah uga qeyb qaataan xasilinta amniga Gobolka.

Axmed Caafi iyo Saacid Ashkir Dhudub oo ka mid ah Guddiga xasilinta degmadda C/Waaq ayaa sheegay in midaynta Ciidamada Amniga degmada looga gol leeyahay in lagu xoojiyo Amniga iyo Nabadda hadda ka jirta degmada Caabudwaaq.

Xildhibaan Bile Salaad Diini oo ka mid ah Xildhibaanada Galmudug, Taliyaha Saldhigga degmadda C/Waaq Maxamuud Maxamed Cadde iyo Ugaas Axmed Barre Taakooy ayaa sheegay in mideynta ciidamadaan ay xoojin doonto nabadgalyadda degmada, islamarkaana wuxuu ciidamada kula dar daarmay inay ilaaliyaan Sharciga.

Dhanka kale,Taliyaha Ciidamadda Qeybta 21-aad C/llaahi Aadan Xuseen “Cirro” oo dar daaran dheer u jeediyay ciidamadas ayaa sheegay in Taliyaha Ciidamada Xasilinta loo magacaabay Dhame Maxamed Yuusuf Axmed Barre, oo ka tirsan Ciidamada militariga, Halka ku xigeenkiisana loo magacaabay Axmed Macalin Cabdullaahi kana tirsan Ciidanka Nabad Sugidda.