Siyaasada Sweden oo meel xun mareysa

Maanta waxaa howl galay gumoomiyaha baarlamaanka, waxaana uu la kulmay dhamaan xisbiyada siddeeda ah ee ku jira baarlamaanka.(Riksdagen).

1. Xisbiga shaqaalaha oo uu reysul wasaarihii la ridey ka tirsan yahay ayaa diidey inuu wax taageero ah siiyo xisbiyada garabka midig.

Waxaa xisbiga shaqaaluhu (socialdemokraterna ) sheegay in xisbigu xaq u leeyahay in la siiyo fursad cusub oo uu dowlada kusoo dhiso maadaama uu helay ka xisbi ahaan codka ugu badan.Halkaa ayuu istaagey.

Waxaana fikirkaas ku raacsan xulufada ay garabka bidix ku middeysan yihiin ee labada xisbi ee miljöpartiet iyo Vänster.

2. Xisbiga hogaamiya xulufada garabka midig ( moderaterna) ayaa iyaguna gumoomiyaha baarlamaanka u sheegay iney iyagu dhisayaan dowlada maadaama reysul wasaarihii hore la casiley uuna ka mid ahaa xisbiga shaqaalaha. Xulufadaan garabka midig ma haystaan aqlabiyad balse haddii uu xisbiga cunsurigu taageero waxaa ay helayaan aqlabiyad weyn.

Waana midii ay isku haleynayeen. Laba xisbi oo yar yar oo ka mid ah xulufadaan oo la yiraa xisbiga centerka iyo libaraaler ayaa iaguna diidey oo yiri ” Ka mid noqon meyno dowlada uu cunsuri taageero”.

3. Xisbigii cunsuriga (sverigedemokraterna) ayaa isaguna maanta gudoomiyaha baarlamaanka u sheegayin aanay taageereynin dowlad garab midig iyo mid bidixba haddii aan loo fulin qodobadododa muhiimka u ah. Labada garab ee bidix oo uu hogaamiyo xisbiga shaqaalaha iyo midigta oo uu hogaamiyo xisbiga moderatka ayaa iyaguna si cad u diidey iney fuliyaan qodobada cunsuriyiinta oo ay wada shaqeyn toos ah la yeeshaan.

4. Labada garab ee midig iyo bidix ayaa iyaguna diidey iney wada shaqeeyaan si ay dowlad aqlabiyad haysta u dhistaan. Qolo walbaa waxaa ay taagan ahay aniga ha la i taageero si aan dowlada u dhiso. Taana waa la isku diidey.

Halkaa ayaa xaal marayaa. wax dowlad ah lama hayo.
Beri ayaa gudoomiyaha baarlamaanku gelayaa wareegii labaad ee wadahadalka xisbiyada.

Mar kale ayaa gudoomiyuhu la kulmi doonaa hogaamiyayaasha xisbiyada.
Haddii xal la waayo, waxaan laga fursan doonin in doorasho cusub lagu dhawaaqo. Balse rajo ayaa laga leeyahay in xal la helo dalkana dowlad loo dhiso.

Abdirisak Hussein